Monday, September 3, 2007

Somaliland army in Badhan

Ciidamada Somaliland oo soo gaadhay Shimbiraale iyo ciidanka Puntland oo heegan sare la gashay
Warkii 03-Sep-2007 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush
Dagaalo si toosa fooda la isu daro ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhexmaraan ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland duleedka degmada badhan ee gobolka sanaag...


Xiisadan colaadeed ayaa timid kadib markii shalay galab ay ciidanka maamulka lamagac baxay Somaliland ka soo ruqaan sadeen fadhiisi mahoodii hore iyagoona soo degay meesha lagu magacaabo Shimbiraale oo masaafo yar u jirta degmada badhan ee gobolka Sanaag...

Mar aanu saaka la xidhiidhnay taliska ciidanka daraawiishta ee gobolka Sool jiida dhi-cadeeye ayaa waxay afnugaal.com u xaqiijiyeen jiraanta xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka sanaag, iyagoona intaasi ku daray in ciidanka daraawiishta puntland ee ku sugan gobolka Sanaag ay isla xalaytaba degaan meel u muuqata meesha ciidanka Somaliland ku sugan yihiin hada ..

Dhinaca kale warar aanu iyana ka helayno degmada Ceeri-gaabo ee caasimada Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in madaxda maamulka Somaliland ee gobolkaasi ay beryahan danbeba ku howlanaayeen abaabul dhinaca ciidamada ah kaas oo aan hada ka hor la ogayn meesha uu si toosa ugu wajahan yahay..

Labada maamul ee puntland iyo Somaliland ayaa horaantii sanadkan aynu ku jirno uu dagaal faraha looga gubtay ku dhexmaray gobolka sanaag , kaas oo ay puntland sheegatay in ay ku jebisay ciidanka Somaliland isla markaana ay gaadiid dagaal uga qabsatay Somaliland..

Maamulka Hargaysa ayaa la sheegay in waji gabax ka soo gaadhay dagaalkaasi iyadoo uu madaxwayne riyaale ku eedeeyey wasiirkiisii gaashaan dhiga in uu dagaalka si xun umaamulay isla markaana xil ka qaadis deg deg ah ku sameeyey..

C/qaadir Gaabuush

Afnugaal.com

No comments: