Saturday, August 18, 2007

Wasiir Ku Xigeen Majertenia ka yimid oo la xayriyey Shimbiraale, Sanaag

Xigasho: Laasqoraynet War Deg Deg ah Wasiir ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo lagu rasaaseeyay Magaalada Shinbiraale ee Gobolka Sanaag

Shinbiraale:- Sng Wasiirka xigeenka Dawlada Hoose iyo Horomarinta Gobolada ee Maamulka Puntland Cali Axmed Faarax (Cali Naaji) ayaa saaka waxa rasaas ooda kaga qaaday koox dhalinyaro ah kuwaas oo jooga Magaalada Shinbiraale oo Wasiirkaasi ku sugnaa warku waxa uu intaas ku darayaa inuu wasiirkaasi gaadhay Magaalada shinbiraale isaga oo markii hore ka soo kicitimay dhankaa iyo Degmada Xingalool waxayna wadeen Hawlo ah Nabadany oo ay ku doonayaan inay ku dhex dhexaadiyaan Labada Boolood ee dhawaan raga iska dilay.



Wasiirka ayaa la sheegay inaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin isaga iyo Ilaaladiisaba, Rasaastaa lagu furay wasiirka ayaa timi ka dib markii uu damcay inuu wada hadal la yeesho odayaasha Magaalada Shinbiraale taas oo la sheegay inay aad uga biyo diid sanaayeen reer shinbiraale la kulanka Wasiirkaas.



Warbixntu waxay intaas ku darayaas inuu wasiirkaasi ku soo laabtay magaalada Xingalool oo awalba ka soo boqoolay isaga oo shirar goos goosa la leh odayaasha Degmada Xingalool iyo Maamulka Degmabadaba, waxana la sheegay inay jiraan dadaalo dheeraada oo lawado kuwaas oo lagu doonayo in laysku soo hor fadhiisiyo labada Beelood ee dhawaan dhiigu soo kala gaadhay.



Dhanka kale Ninkii Ganac ku dhiig laha ahaa oo labada Nin dilay ayaa la soo sheegayaa inuu Gacanta ragii hayay ka baxsaday isagoo la sheegay inuu fikaday waxa la soo tabinayaa inaan la garanayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay Bale wararka qaar ayaa sheegay in la gu sheegay meesha lagu magcaabo Dharkayn, taas oo iyana ka tirsan isla Sool Gobolka Sanaag.



Baxsashada Ninkaa Gacan ku dhiig laha ayaa walaac ku abuurtay dhamaan dadka Deegaankaasi degan iyadoo ay abuuri karto isku dhac labada dhinac soo gala gaadha maadaama uu baxsaday Ninkii falkaas gaystay.

Wixii ku soo kordha Warkaas LaasqorayNet Hamoogaanina

LaasqorayNet/ Bosaaso

No comments: