Saturday, August 18, 2007

Maamul Goboledkii Majertenia oo lagu kale tegay

Xigasho Afnugaal: Xerada ciidamada 54aad ee magaalada Garoowe oo la boobay hubkii yaalay(Yaase Boobay??)

Wararka aanu ka helayno magaalada garoowe ayaa sheegaya in shalay galab ay koox hubaysani boobeen hubkii yaalay xerada ciidamada ee 54aad ee magaalada garoowe...........................
Boobka hubka xerada yaalay ayaa dhacay ka dib markii sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ahi dablay hubaysani ay xoog ku galeen albaabka wayn ee xerada isla markaana ay qoryo ku qabteen ilaaladii xerada joogtay..
Maamulka puntland ayaa isagu sheegay in la jabsaday xerada ciidamada ee 54aad oo ah xeryaha ciidan ee hada Somalia ka jira ta ugu weyn, hadalkaasi oo dad badan oo ku dhaqan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn calaamad su'aal saareen..
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ayan si buuxda ugaranayn ilaa hada cida qaadatay hubkii xerada yaalay , balse warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka helayno xubna ka mid ah puntland oo aan doonayn in magacooda la shaaciyo ayaa noo sheegay in hubka ay qaateen beel ka mid ah beelaha isku haya duleedka degamada taleex ee gobolka Sool, taas oo uu ula jeeday beesha garoowe..

Hubka la dhacay ayaa wararka badan koodu sheegayaan in isla xalayba lala aaday dhanka iyo deegaanka dhumay oo ka tirsan degmada taleex oo xiisadi ka taagan tahay, arinka boobka hubka iyo wax ka qabasho la,aanta maamulka ayaa markii danbe iyana keentay in hub iyo ciidamo xooganba ay ka soo baxaan magaalada Laascaanood iyagoo ku sii jeeda taleex..

Maaha markii ugu horaysay ee ay arimo gacan dhaafka maamulka ahi ka dhacaan degmada garoowe , iyadoo horena loogu dilay saldhiga garoowe rag doora oo u xidhnaa dowlada isla markaana ka soo jeeday gobolada Sool,Sanaag Iyo cayn..

Dhinaca kalena Shicibwaynaha ku dhaqan gobolada SScayn ayaa ugu baaqaya labada beelood ee walaalaha ee isku haya deegaanka hoos yimaada degmada taleex in howsha wada hadal lagu dhameeyo,sidoo kale waxay ugu baaqayaan maamulka puntland gaar ahaan madaxda ka soo jeeda sscayn in sida ugu dhaqsaha badan ay usoo afjaraan colaada beelaha dhexdooda ah...........



Waxii wara ee ka

No comments: