Monday, October 15, 2007

Warkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii:: Ciidamada Somaliland Oo 28 Maxbuus Ka Qabsadaay Ciidamada Maleeshiyada Majeerteeniya iyo Dhimashana U geystay

Xigasho: Hadhwanaagnews.com

Hargeysa(HWN):-28 Maxbuus ayaa laga soo qabtay Ciidamada Majeerteeniya,tira badan oo kale dhaawac iyo dhimasho isugu jirtana waa loo geystay,kadib markii Saaka abaaro 5:45 subaxnimadii dagaal qadhaadh ay isaga horyimaadeen Ciidamada Maamulka Majeerteeniya iyo Ciidamada Jiida hore ee Somaliland Gudaha iyo Duleedka Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

Sida ay tibaaxayaan Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Laas-caanood ayaa sheegaya in Maleeshiyada Majeerteeniya sidoo kale lagaga qabtay dagaalka 15 Baabuurta Dagaalka ee loo yaqaano tignikada. Isla markaana laga saaraya Magaalada Laas-caanood oo ay ku hoydeen Maamulka Garoowe.

Waxaanu warku intaa ku daray inay Ciimada Somaliland ay la wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Laas-caanood oo ay ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin Gudaha Magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa dagaalka laga dilay Sadex qof hal lagaga dhaawacay 4 kale, warku wax inta ka faah-faahsan ma sheegin.

Guddomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule ayaa sheegay inay Magaalada laas-caanood degen tahay oo ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali sandule oo ka hadlayey shir ay ku ku qabteen gudaha Somaliland waxa uu yidhi. “Shirkaa waxaanu u qabanay nabadoona ama cuqaasha magaalada, inaan cid gaara iyo reer gaara aan u jeedo laga lahayn, isla markaana aan la odhan karin Ciidanka Magaalada soo galay inay yihiin reer gaara, kuwan magaalada soo galayna ay la shaqeeyaan” ayuu yidhi Cali Sandule.

Dhinaca kale Magaalooyin Somaliland gaar ahaana Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa laga soo dhaweeyey qabsashada Ciidanka Somaliland ee Magaalada laas-caanood, taas oo ay dadku ku sababeeyeen iyada oo muddo badan ay Ciidanka Somaliland jiidaasi ku sugnaayeen tanina tahay Guul ay gaadheen Ciidamada Somaliland oo lagu sugay Xuduuda Somailand..


Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwnaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: