Sunday, October 7, 2007

Dowladda Embagathi oo sheegtay in gobollada Sool iyo Sanaag maamul ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland loo sameynayo

hadhwanaag 2007-10-07 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN) Dowladda Embagathi ayaa shaaca ka qaadday inay maamul ka madax bannaan maamullada Somaliland iyo Puntland u sameynayso gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka arrimaha Jaaliyadaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Embagathi Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay faragelin ku hayaan arrimaha Gobolladaas, oo sida uu yiri aysan wax shaqo ah ku laheyn labada dhinacba.

Maareeye oo isagu heyb ahaan ka soo jeeda degaanka gobolka Sool ayaa waxa uu intaasi raaciyay in ay ka go'an tahay dowladda Embagathi meel marinta qorshaha Federaalka ee Xukuumadda Embagathi lagu soo unkay isla markaana gobolladaasi loo dhisayo maamulo sida uu sheegay aan shaqo ku yeelan doonin Somaliland iyo Puntland.

Maxamed Cabdi Xayiri Maareeye waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada ka soo jeeda gobolladaasi inay la soo xiriiraan dowladda Embagathi si ay uga wada arrinsadaan qaabkii maamul madax bannaan loogu dhisi lahaa gobolladaas.
********************

=Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin culus u jeediyay labo ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka maamulka Embagathi ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(HWN) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ahna duqa magaalada Muqdisho ee maamulka Embagathi ayaa maanta qoraal digniin ah oo uu ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho wuxuu ku eedeeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka C/casiis iyo Shingaani inay howlahooda ka gaabiyeen.

Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku eedeeyay guddoomiyeyaashaas inaysan howlahooda gudan ayna ka digtoonaadaan howlgudasho la’aanta ay wadaan, isagoo xusay in laga qaadi doono xilalka ay hayaan, lana marsiin doono sharciga.

Waa markii ugu horreysay oo uu Maxamed Dheere hanjabaado digniin ah u jeediyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo horey ugu sheegay Guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir ninkii howlgudasho la’aan lagu soo eedeeyo inuu tallaabo ka qaadayo, taasoo digniintan uu maanta soo saaray marqaati ay u noqoneyso.

Dhinaca kale Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa soo saaray wareegto uu ku amray inay Gaadiidleyda ay Taariko u samaystaan Gaadiidkooda sida ugu dhaqsaha badan, inta ka horreyso bishan 10-keeda.
*********************

=Ciidamada Itoobiya oo 4 ruux ku dhaawacay Muqdisho kadib markii bam lagu weeraray

Muqdisho(HWN)4 ruux oo rayid ah ayay ciidamada Itoobiyaanku dhaawac ugu geysteen xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho kadib markii ciidamadaasi oo lagu weeraray Bam gacmeed ay jawaab rasaas ah ka bixiyeen.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka fulinayay xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayay kooxo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadaas ee dalka Soomaaliya ku weerareen bam gacmeedyo dhowr ah, kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray ciidamadaa, balse rasaas xooggan oo ay fureen ayay afar ruux oo rayid ah oo goobta ka dhaweyd ku dhaaweceen, kuwaasoo Isbitaal mar dambe loola cararay.

Qaraxyadaas iyo tacshiiraddaa kadib ayaa waxaa istaagay howlihii ganacsi ee suuqa xoolaha inkastoo markii dambe ay furmeen oo caadi ay ku soo laabatay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xaafaddaas.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Embagathi ayaa howllo ay ku baarayeen Gaadiid ka waday maanta isgoyska warshadda Taraqa iyo Sigaarka, iyagoo aan baareynin dadka, balse baarayay gaadiidka dadweynaha oo qura.
*********************

=Taliyihii Nabadsugidda degmada Wadajir ee maamulka Embagathi oo dil toogasho ah lagu qaarijiyey

Muqdisho(HWN) Habeenkii xalay ahaa ayay kooxo hubeysan oo aan la garan waxay toogasho ku dileen Taliyihii Nabadsugidda ee degmada Wadajir ee maamulka Embagathi oo lagu magacaabi jiray Axmed Xareed.

Kooxda dilka ninka geystay oo aan la garan ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ku geysteen, iyadoo sida warku sheegayo ninka ay toogteen aanu hore ka dhiman, balse isagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, wallow inta aan Isbitaalka la gaarsiin uu bartamaha ku sii geeriyooday, isagoo meyd ahna gurigiisa lagu soo celiyey.

Dilalka xubnaha u shaqeeya dowladda Embagathi ayaa Muqdisho si xawli ah uga socday iyadoo shalay iyo dorraad ilaa saddex ka tirsan xubno u shaqeeya dowladda Embagathi lagu dilay magaalada Muqdisho.

No comments: