Sunday, September 2, 2007

Laascanood freedom fighters

Posted on Sunday, September 02, 2007 - 01:00 AM


War deg deg ah: Ciidamo loogu tababarayo Somaliland deegaanka kalabaydh ee duleedka magaalada laascaanood.

War dag dag ah oo shabakada allmudug ka soo gaaray magaalada laascaanood ayaa sheegaya in magaalada kalabaydh ee duleedka magaalada laascaanood uu tababar uga socdo ciidamo xoogan oo uu leeyahay Jamhuuriyada Somaliland iyadoo ciidamadaasi ay ka soo jeedaal hal beel ah oo kamida beelaha daga Gobolka sool.

Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin balse lagu qiyaasay boqolaal ayaa lagu wadaa in marka ay tababarka soo dhamaystaan ay u soo jihaystaan dhinaca magaalada laascaanood si ay uga abuuraan arimo amaanka wax udhimaya lidina ku ah Maamulka Puntland.

Goob jooge ku sugan magaalada laascaanoo lana yiraahdo Jamac cali booqdayna goobta lagu tababarayo ciidamadan ayaa shabakada allmudug u xaqiijiyay in ciidamada tababarku u socdo ay hogaaminayaan rag horay xilal uga hayay maamulka puntland hadana isu badalay mucaarad.

Wuxuu kaloo noo sheegay Jamac cali in ciidamada goobta lagu tababarayo ay yaaleen 4 gaari oo nooca dagaalka ah iyo sidoo kale 2 gaari oo nooca xamuulka ah iyadoo aan loo ogolayn inay dadku usoo dhawaadaan goobta tababarka.

Ciidamadan ayay tababarka siinayaan saraakiil ka socota maamulka Somaliland iyadoo aanaan wali helin magacyada saraakiishaasi balse aan dib idiinka soo gudbin doono hadii eebe yirahdo.

Allmudug.org news desk.

(Heesta maanta)Maba doonayaaneey inaynu dowlad ahaano

(Please contact us)
webmaster@allmudug.org,qalay2005@allmudug.org,qalay2005@hotmail.com.

No comments: